Dani Ceballos Oo Si Kama Ah U Soo Dusiyay Wakhtiga Sida Rasmi Loo Bilaabi Doono Premier League.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Dani Ceballos ayaa shaaciyay wakhtiga uu dib u soo laaban doono horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddig Amaahda kula jooga Arsenal ayaa dhamaysan doona xilli ciyaareedka England ka hor inta uuna ku laaban Spain.

Isaga iyo xiddigaha ay isku kooxda yihiin Arsenal ayaa todobaadkan ku soo laabtay Tababarka kadib markii ay kooxuhu isku raaceen in ay ku soo laabtaan tababarka.

Salaasadii ayay xiddigaha kooxaha premier League ayaa ku soo laabtay tabaabrka iyaga oo ilaalinaya kala fogaanshaha sabab la xidhiidha Xanuunka Korona.

Xiddigaha Iyo shaqaalaha Arsenal ayaa dhamaan laga baadhay xanuunka waxana dhamaantood laga waayay xanuunka taas oo keentay in ay kooxuhu ku soo laabtaan tababarka.

Advertisements

Iyada kooxuhu doonayaan in ay ku soo laabtaan premier League waxa jirta wakhtiyo badan oo la sheegay in dib loo bilaabi doono xilli ciyaareedka iyada oo loo badinayo bisha June.

Jimcaha oo ku beegan 12 bisha June ayaa si weyn loo filayaa laakiin todobaadka ka dambeeya ayaa laga yaabaa in la bilaabo xilli ciyaareedka.

Waxa jiray soo jeedino kale oo sheegaya in ay kooxaha premier League doonayaan in ayna ku soo laaban ciyaaraha ilaa dhamaadka bisha June si ay xiddiguhu ugu diyaar garoobaan dib u soo laabashada xilli ciyaareedka.

Si kasta ha ahaatee Ceballos ayaa u muuqda mid si maldahan u sheegay in uu muddo bil kadib ah lagu soo laaban doono ciyaaraha premier League.

Isaga oo waraysi siinaya Idaacada RTVE ayay Ceballos ka baxsatay wakhtiga la bilaabi doono prmeier League wakhti kale.

“Waxa aan ciyaaraha premier League bilaabi doonaa hal todobaad kadib wakhtiga laga hadal hayo Spain kaas oo ah 12 bisha June, waxa aan premier League bilaabi doonaa 20 bisha June”.

“Waxa aan 48 saac ka hor dhaafnay tijaabada xanuunka waxana nalaga waayay xanuunka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*