Dani Ceballos Oo Ka Hadlay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In AY Isku Dheceen Isaga Iyo David Luiz.

Daafaca David Luiz ayaa lagu soo waramayaa in uu sanka ka feedhay Dani Ceballos  kadib markii ay isku dheceen xilli ay tababarka ku jireen.

Xilli ay inta badan xiddigaha kooxdu ku maqnaayeen waajibaadka xulka qaramadooda labada xiddig ayaa ku sugnaa Arsenal iyaga oo tababarka ku sii qaadanayay kooxdooda.

Wargayska The Athletico ayaa shalay sheegay in uu Luiz sanka ka feedhay Ceballos jimcihii hore kadib markii ay isku dheceen labada xiddig taas oo keentay in uu sanku dhiigo.

Laakiin Dani Ceballos ayaa si deg-deg ah uga jawaabay wararkaas isaga oo waliba beeniyay Twitter-kana ku soo qoray” Been”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*