Dani Carvajal Oo Sheegay Xiddig Ka Ciyaara Premier League Oo Uu Maalin Kasta Ku Qanciyo In Uu Ku Biiro Real Madrid.

Xiddiga Daafaca uga ciyaara Real Madrid ee Dani Carvajal ayaa sheegay in uu xiddiga Man City ee Rodri ku qanciyo in ku biiro Real Madrid.

Carvajal oo ay Rodri isku xul yihiin isla markaasna ka wada qayb galayaan tartanka Euro ayaa sheegay in uu ku biiro Real Madrid.

“Waxaan u sheegaa Rodri maalin kasta inuu u saxiixo Real Madrid.”

“Waxaan u sheegaa maalin kasta inuu ka tago Manchester, in aysan jirin qorrax, iyo inuu imaado Madrid inaan u baahanahay isaga.”

“Wuxuu ii sheegaa inuu heshiis kula jiro Man City laakiin uu nagu fiicnaan lahaa”ayuu u sheegay Tjcope.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga