
Xiddiga daafaca uga ciyaara Real Madrid ee Dani Carvajal ayaa haatanba saadaaliyay in ay Real Madrid iska xaadirin doonto Final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedka cusub.
Dani Carvajal oo la hadlaya AS ayaa yidhi”Waxa aan taageerayaasha Real u sheegayaa in ay haatanba iibsadaan tigidhada final-ka champions League xilli ciyaareedka cusub”.
“Waxa aan isku dayi doonaa in aan gaadhno final-ka mar kale”ayuu sii raaciyay.
Real Madrid ayaa ka mid ah kooxaha yar ee difaacday champions Leagueu laakiin in wakhtigan la saadaaliyo kooxda aadaysa Final-ka tartanka waa mid wakhti hore ah.
Los Blancos ayaa xilli ciyaareedkii dhamaaday Liverpool ku garaacday final-ka tartanka oo ka dhacay caasimada dalka France ee Paris.
Be the first to comment