Dani Alves: Benzema Ayaa U Qalma Abaalmarinta Ballon d’Or-ka, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Dani Alves ayaa meel iska dhigay xafiiltanka ay kooxdiisu kula jirto Real Madrid waxana uu sheegay in uu Benzema u qalmo ku guulaysiga abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or.

Benzema ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 43 gool halka uu caawiye ka noqday 14 kale 43 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

“Karim Benzema waa u qalmaa inuu ku guuleysto Ballon d’Or,” Dani Alves ayaa u sheegay Marca.

“Waxa uu heystaa wax walba oo uu ugu guuleysan karo waxa uu ka sameynayo Champions League waxa ay samayn doontaa saamayn weyn”

“Waxa uu u qalmaa ku guulaysiga abaalmarinta sababta oo ah waxa uu Real Madrid u qaadayaa meelo saraysa waxana uu horay u wadaa kooxda”