Dagaalka Arsenal Iyo Ozil Oo Sii Xoogeystay , Kooxda Gunners Mar Kale Ayay Dhabarka Ka Toogteen Laacibka

Mar kale xaaladda ma wacna , Mesut Ozil ayaan ku jirin liiska 25-ka ciyaaryahan ee ay kooxda Arsenal ee horyaalka ee ay galabata gudbineyso.

Xiddigaan qaata mushaarka ugu sareeya kooxda Arsenal ayaan kooxdaas u ciyaari doonin illaa laga gaarayo February

Wax harsan ma jiro oo Ozil loogu muujinayo in laga maarmay waxa ayna arintaan imaaneysaa todobaad ka dib markii laacibka aan lagu soo darin liiska Arsenal ee tartanka Europa League waxaana arintaan la qaba Sokratis

Markii ugu dambeysay ee uu Ozul ka soo muuqdo Arsenal waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii hore xiligaas oo ay la ciyaareen Wets Ham United

Laacibkaan oo uu qandaradaskiisa uu dhacayo xagaaga 2021-ka ayay u badan tahay in janaury uu baxo waxaana lala xariirinaya horyaalka Turkiga

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*