Dadaalkii Cristiano Ronaldo Oo Noqday Hal Bacaad Lagu Lisay Iyada Oo Lyon Champions League Ka Reebtay Juventus

Kooxda Lyon ayaa Juventus ka reebtay champions League inkasta oo uu Cristiano Ronaldo 2 gool u dhaliyay Juventus kulan ka tirsnaa champions League.

Ciyaarta ayaa ahayd mid ay Lyon si dar-dar leh ku bilaabatay xilli ay Juventus u muuqdeen kuwo iska hurda oo aan ciyaarta soo galin.

Kooxda reer France ee Lyon ayaa wixii ay doonaysay ee ay garoonka u timid heshay iyaga oo gool deg-deg ah dhaliyay kaas oo xaalka ku xumeeyay juventus.

Daqiiqadii 12-aad ayay Lyon dhalisay goolka 1-aad kadib markii rikoodhe loo dhigay kooxda kadib khalad uu galay xiddiga kooxda Juventis ee Rodrigo Bentancur.

Juventus oo uu goolkaas hurdada ka kiciyay ayaa bilaabay in ay bilaabaan ku soo laabashada ciyaarta iyaga oo goodoomiyay kooxda Lyon oo digaac galay.

Daqiiqadii 43-aad ayay Juventus dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xididgooda ugu fiican ee Cristiano Ronaldo kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Juventus 1/1 kula baxday kulanka laakiin wali shaqo badan u hadhsantahay hadii ay doonyaan in ay soo baxaan.

Qaybtii dambe ayay Juventus ku soo gashay si dar-dar leh ku soo gashay ciyaarta iyaga oo raadinayay goolal ay ciyaarta dhankooda ugu rogaan.

Daqiiqadii 60-aad ayay Juventus dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Cristiano Ronaldo kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Laakiin Juventus ayaa u baahanayd gool kale hadii ay doonayso in ay soo baxdo waxana ay sameeyeen isku dayo badan laakiin way ku fashilmeen in ay goolal dhaliyaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu ay Lyon Champions League ka reebtay Juventus xilli uu dadaalkiis Cristiano noqday hal bacaad lagu lisay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*