
Dhacdo la yaab leh ayaa ka dhacday garoonka Eng Yarisow stadium ee magaalada Muqdisho kadib markii uu mid ka mid ah tababaryaashu feedh ugu tuuray garsoorihii dhex-dhexaadinayay ciyaarta.
Kulanka ayaa ahaa mid u dhexeeya kooxaha Horseed & Elman kaas oo dhacay maanta kana tirsanaa horyaalka Somali Premier League waxana ay ciyaartu maraysay 2/2 daqiiqadii 74-aad.
Xilli ciyaarta loo joojiyay xiddig dhaawacmay ayay kamerooyinku qabteen garsoore Mohamed Somali oo uu tababare ka daba yimid kadibna feedh dhulka ugu tuuray.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka:
Footage by Astan TV shows that one the coaches beats referee during the match between Horseed and Elman on Tuesday at Eng Yarisow stadium in #Mogadishu. Mohamed Somali was punched from behind and falling down. People just waiting to see the decision from the Football federation. pic.twitter.com/kBrX1EY5Ic
— Somalia Live Update (@HassanIstiila) July 21, 2020
Be the first to comment