DAAWO Yaabka Xidigii Argagax geliyey Weeraryahanada Caalamka & Libaaxii Dunida

Carlos Puyol ama ninka qalbiga libaaxa leh sida ay ula macaantahay marka ugu yeerayaan cushaaqda catalonia, waa mid kamid ah halyeeyada kubada cagta casriga & mid kamid ah xidigaha xusuusta ku reebay garoomada , umuurta kaliya maquseyso mustawihiisa wanaagsan ee uu kusoo bandhigayey gudaha garoomada bal aqlaaqdiisa caaliga ah & awooda uu uleeyahay saameynta dadka ka agdhow qaab iijaabi ah ama posotive ah.
 
Poyl waxa uu ahaa difaac wadnaha joojiya kuwa kahor jeeda marka uu ku jiro gudaha garoonka, isagu waxa uu ahaa laaicb aan naxariisan marka ay sheekada joogto gudashada waajibaadkisa & difaaca shabaqa riyadiisa Barcelona , Pique waxa uu ka sheekeeyey dhacdo udhaxeysay labadooda isagoo leh :- ”Maalin maalmaha kamid ah Puyol waxa uu kasoo laabtay dhaawac waqti dheer uuku maqnaa kadib markii uu garoonka soo galay waxaan ujeestay dhiniciisa anigoo leh soo dhawoow soo laabasho wanaagsan hogaamiye .
 
Puyol waxa uu ii fiiriyey si layaab leh isagoo igu yiri afkaaga xir , diiradana saar ciyaarta , darajaddaasi ayaa caalami u ahaa , sidoo kale waxa uu ahaa shaqsi qalbi wanaagsan inbadanna waxa uu kaga tagay xusuus wanaagiisa muujineysa , isaga ayaa ahaa kii maalin soo farageliyey si uu ujoojiyo dabaal deg daan daansi ahaa oo ay jamaahir kahorjeeday kuhor sameeynayeen alcantra & Dani Alves,
 
isaga ayaa ahaa kii hor istaagay markii uuu Pique ka cabanayey jante ama walaacad aykusoo tuureen taageerayaasha Real,  sidoo kale waxa uu kaga tanasulay sharafta sare u qaadida horyaalka Abidal dartii kadib markii uukasoo caafimaaday xanuunka cancerka, waxa uu abidal fursad u siiyey inuu sare uqaado horyaalka , sidoo kale isaga ayaa ahaa kii uyeeray Ronaldinho si uu sawir ula galo saaxiibadisii hore waqti uu xirnaa maaliyad & astaan aheyn tii ay difaacayeen, 
 
waxa uu ahaa laacibkii joojin jiray dagaalka & iska hor iaadyada saaxiibadiisa & kuwa kahor jeeda, waa laacib jeclaaday naadigiisa inbadana wax kasta mana badalin si kasto loogu daadiyey maal fara badan , sidoo kale isagu waxa uu ahaa laacibkii go’aansaday inuu iscasilo sanadkii 2014 waqti heshiiskiisa ka harsanaa 2 sano kaasoo dhacayey 2016, saabtoo ah waxa uu dareemay inuusan siin karin waxa ay barcelona ka dooneysay , cagsigeeda kuwa maanta jooga sida Bosquests roberto Pique & Alba oo xitaa mararka qaar isagoo xaalkiisa sidaan ah ku dhahaya waan sii ciyaarayaa .
 
Dhamaan Sifooyinkan maanta kuma heyno garoomada kuwa hogaaminaya jiilasha soo koraya , sida Ronaldo & Messi waa laacibiin tayo badan lehna waayo cajiib ah hadana jiilka soo koraya waxey ubaahanyihiin laacibiin taalabta uqaadaya qaabka ugu quruxda badan marka garoonka ayku jiraan sida Carlos Puyol,  waxa uu ka leeyahay Xavi ” Puyol waa laacibkii ugu profishinal sanaa ee aan ebid arko shaki la aan waayaheyga kubada cagta , waxa uu diirada usaaraa waxa uusameynayo qaab aan la rumeysan karin suurtagalna maaha inaad joojisid marka uu gudanayo waajibaadkisa , kaliya ma aheyn laacib caalami ah bal waa laacib cajiib ah wax kasta ayuu ku guuleystay waayihiisa , 100 kulan ayuu usaftay Xulka laroja wax auu laqaaday koobka dunida & kan yurub 3 champiosn League ee Barcelona ah 6 la liga 2 koob oo naadiyada dunida dhamaan waxyaabahaasi ilaa nolol aan isla weyni laheyn ,