Daawo: Xiddig West Ham Oo Ceebaystay Jadon Sancho.

Taageerayaasha West Ham ayaa ku digtay xiddiga Cusub ee kooxda Man United Jadon Sancho kadib markii uu xiddiga West Ham ee Pablo Fornals ceebaystay intii uu socday kulankii Caraba cup-ka ee Arbacadii.

Xiddiga 73 milyan ku fadhiya ayaa ku bilowday ciyaarta kadib markii uu Solskjaer is badal weyn ku sameeyay shaxdiisa kulanka.

Sancho ayaa isku dayay in uu xiddiga Fornals kula tartamo kubad laakiin xiddiga ayaa kubada ka dhex saaray labada lugood ee xiddiga reer England taas oo keentay in ay taageerayaasha West Ham ku digtaan.

Xiddiga reer England ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaya in uu soo bandhigo qaab ciyaareed looga bartay markii uu joogay Dortmund waxana uu dareemayaa cadaadis lacagtii laga soo bixiyay.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl: Hadalo Macaan Oo Aad U Diri Kartid Qof Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*