DAAWO Waligiis qofna hore uma samayn, Perez Maalintii uu sharaftiisa uu dhulka dhigay Karim Benzema sababta Barca daraadeed Perez wuxuu ka tanaasulay Qabkiisa hal mar oo kaliya

Mowqifkii Yaabka lahaa ee marna uusan sameyn Madaxweyne Perez ilaa hal mar mooyaane, Intii madaxweyne uu ka ahaa Beytal malaki Real Malaki waxa uu lasoo waregay madaxweyne Perez xidigo dhowr ah oo xidigaha caalamka kamid ah waxaan ka hadleynaa magacyo waaweyn sida Cristiano Ronaldo David Beckham Zidane Figo ama Xita Recardo Kaka, 
 
Marka laga tago magacyadaasi waxa jira magac kaliya oo uu usameeyey tacaamul gaar ah & mowqif usan u sameyn xidig kale, & hal mar kaliya dhamaan waayihiisa real Madrid umuurta waxa ay quseyysaa Kariim Benzema ee ah ninka ugu booska sareeya naadiga malaki heer jamaahiirta real ugu yeereen Xukuumada , iyagoo ka eegaya awoodiisa qoka labiska , sida uu umaamulayo iwm.
 
Su’aasha waxey tahay Muxuu ahaa arinkii uusameeyey Florentino Perez ee Benzema kayeelay magac gaar ah marka la bar bar dhigo xidigaha kale ee naadiga malaki , Qisada waxa kusoo bandhigay Kariim Benzema mar uu lahadlay Jariirada Lequipe ee wadanka faransiiska sanado yar kahor,  hadii laacibiinta caadiga ay kaliya ku egyihin lahadalka Macalimiinta, wakiilada ama maamulayasha qeybta kubada cagta & Ciyaraha lkn Xukuumada Malaki waxuu helay tacaamul gaar ah wadahalkii uu kaga soo wareegayey naadiga Lyon ilaa Real Madrid sanadkii 2009 , 

 
Sheekada xiisaha leh waxey tahay , Perez waqtigaasi waxa ugu tagay magaalada lyon ee wadanka faransiiska oo ay daganayaaneen kariim & qoyskiisa , waxa uu u ahaa arin qaracan ku riday laacibka isagoo leh :- ” Florentino waxa uu kayimid spain isagoo soo gaaray Bron , xaafada basiidka ah oo ayku noolaayyeen aabayaasheyda si uu iigu qanciyo inaan tago naadiga Real Madrid, isagu wax yar ayuu kaga hadli karaa faransiiska , sheekadeena aniga & asiga gaar ayey noo aheyd , waxa uu iga yeelay inaan dareemo inuu idoonayo aad baan ula yaabay waxa uu iisameeyey kamana shakinin rabitaanka  naadiga real Madrid , mar dambe waxa la ii sheegay in marna naadiga hore sidaasi usameyn   laacib kale , waxa uu ahaa arin siweyn iiga farxiyey .
 
Maalmo kadib waxa soo gaaray dalabyo kaga yimid naadiyada Manchester United & Barcelona waana u iska diiday si uu ugu biiro kooxda real Madrid waqtigaasi waa uu ogaa inuu heysto kalsoonida ninka ugu muhiimsan kooxda , waxaana uu noday laacib leh garab istaag kaga imanayey mamaulka kooxda , inkastoo mashaakilo ay soo mareen waqtiyada qaar sidoo kalena waqti mustawihiisa liitay
 
 hadana magaciisa lagama saarin beytal malaki waxa uu musharax uu yahay xiligan inuu waayihiisa u dhameysto kooxda waana wax aysan helin halyeeyada kooxda sida CR& Raul iyo kuwale , haatanna waxa uu musharax u yahay abaalmarinta Ballon diorka kadib markii saameyn uu kooxda kulahaa xili ciyaared yadii ugu dambeeyey gaar ahaan midka hada sii dhamaanaya