Daawo: Van De Beek Oo Bahdilay Ole Gunner , Arin La Yaab Leh Ayuu Ku Sameeyay Macalinkiisa

Van De Beek ayaa si weyn ugu dhex carooday kursiga badelka Man United ee kulankii Villa Real .

Labada koox ayaa Old Trafford ku ciyaaray kulan wareegga 2-aad ee Group-yada Champion-ka ah waxaan 2/1 waqtigii geerida ku badisay Man United .

Van De Beek ayaan cagta soo saarin kulankaas , maadaama aan lagu bilaabin xittaa waxa uu haminayay in uu badel ku soo galo balse ma dhicin

Ka hor inta Lingard iyo Fred soo galin daqiiqadii 89-aad , Van De Beek waxa uu la qarxi gaaray xanaaq , oo neerfoose ayuu noqday .

Muuqaal soo baahay waxa uu muujinayay sida uu Van De Beek uga carooday macalin Ole Gunner waxa uuna mid ka mid ah shaqaalaha tababarka kooxda United uu isku dayay in uu dajiyo laacibka balse ma mira dhallin

Van De Beek xanaaqiisa ayuu isaga sii dhex jiray , waxa uuna ugu dambeyntii uu afkiisa ka soo saaray xanjo uu calaalinayay waxa uuna ku tuuray meeshii uu fadhiyay Ole Gunner oo waqtigaas ka sii istaagayay

Waxa xusid mudan in laacibkaas reer Holland xagaagii aad loola xaiiriyay in uu ka tagayo United balse Ole Gunner ayaa ku dhagay laacibka kana codsaday in uu sii joogo.

Daawo muuqaalkaas la yaabka leh

 

 

 

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*