Daawo: Taageerayaasha PSG Oo Safaf Dhaadheer Ugu Jira Iibsiga Maaliyada Lionel Messi.

Lionel Messi ayaa durba kor u qaaday dhaqaalaha soo galaya kooxda PSG iyada oo ay Taageerayaasha Kooxdu safaf dhaadheer ugu jiraan dukamaada kooxda si ay uga iibsadaan maaliyada xiddiga ee kooxda.

Kooxda PSG ayaa xalay si Rasmi ah u soo bandhigtay Lionel Messi iyaga oo isla markaasna shaaciyay lambarka uu xiddigu u xidhan doono kooxda inta uu joogo kooxda sanadaha soo socda.

PSG ayaa xalay xaqiijisay in uu Lionel Messi kooxdiisa cusub u xidhan doono Lambarka No.30 oo noqday mid lama filaan ku noqday adduunka oo dhan maadama la filayay in uu qaato Lambaro ka hooseeya.

Laakiin arintaas ayaan taageerayaasha PSG ka hor istaagin in ay isugu soo baxaan suuqa waliba Safaf dhaadheer u galaan sidii ay u iibsan lahaayeen maaliyada PSG oo uu dhabarka kaga qoranyahay magaca iyo Lambarka xiddiga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Xada Qalbiga Gabadha & Qoyskeeda Aragtida Ugu Horaysa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*