Daawo: Taageerayaasha Man United Oo Jabsaday Garoonka Old Trafford Ka Hor Kulanka Liverpool.

Taageerayaasha Man United ayaa jabsaday garoonka Old Trafford saacad ka hor kulanka adag ee ay Man United la ciyaari doonto Liverpool kana tirsan horyaalka Premier League.

Waxa la helay muuqaalo toos ah oo muujinaya taageerayaasha Man United oo ku jira garoonka Old Trafford iyaga oo ka soo hor jeeda milkiilayaasha kooxda Man United.

Mudaharaadka ayaa sidoo kale ka socda banaanka Old Trafford iyaga oo dad aad u tiro badan isugu soo bexeen si ay meesha uga saaraan milkiilayaasha kooxda.

Talaabada ayaa haatan shaki weyn ku riday dhicista kulanka kaas oo haatan saacad ka dhimantahay waxana ay u badantahay in la kansali doono kulanka mar kalena loo dhigi doono.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Waddo Oo Khaldan Oo Fashil Ah Oo Ay Ragga Qaar Jacaylkooda Ugu Soo Bandhigaan Gabadha Ay Jecelyihiin, Iska Ilaali Ninow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*