Daawo: Scott McTominay Oo Aflagaadaynaya Paul Pogba Kadib Khaladkiisii Arsenal.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man Unite ee Scott McTominay ayaa u muuqday mid aan ku faraxsanayn xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Paul Pogba kadib guuldaradii ka soo gaadhay Arsenal.

Pogba ayaa sabab u noqday rikoodhada ku galay kooxdiisa iyada oo uu xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ka dhaliyay goolka guusha ee Gunners.

Xiddiga McTominay ayaa la arkay isaga oo Aflagaadaynaya kadib markii badalka lagu sameeyay xiddiga iyada oo kamerooyinku qabteen.

McTominay ayaa si hoose u hadlayay waxana la dareemay Dibnihiisa in uu Aflagaadaynayo xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Paul Pogba sida uu sheegay shabakada caughtoffside.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*