Daawo: Sawirada Saxiixa Cusub Ee Liverpool Ibrahima Konate Oo Soo Bandhigay Lambarkiisa Cusub.

Xiddiga cusub ee kooxda Liverpool Ibrahima Konate ayaa soo bandhigay maaliyada uu u xidhan doono kooxda Liverpool isaga oo soo bandhigay maaliyada 2-aad ee kooxda Liverpool ee xilli ciyaareedka cusub.

Ibrahima Konate ayaa soo bandhigay maaliyada cusub waxana uu sidoo kale soo bandhigay Lambarka uu u xidhan doono kooxdiisa Xilli ciyaareedka soo socda.

Konate ayaa Liverpool u xidhan doona No.5 oo ah mid uu ka tagay xiddiga Gini Wijnaldum kaas oo qaab xor ah uga tagay kooxda kadib dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Ibrahima Konate ayaa isku diyaarinaya in uu bilowdo tababarka kooxdiisa cusub isaga oo Isniinta soo xaadiri doona tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee kooxda Liverpool.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Ibrahima Konate oo markii ugu horaysay maaliyada Liverpool:

Image

Image

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*