DAAWO Qisada Argagaxa leh ee RONALDO loogu sheegay inuusan kubada cagta dib uciyaari doonin

Taariikhda ayaa sheegaysa in halyeyga Barcelona ee Lionel Messi iyo xiddiga haatan ee kooxda Paris Saint-Germain inuu ku dhawaaday inuu joojiyo ciyaarista kubbadda cagta sababo la xidhiidha dhibaatooyin caafimaad oo yaraantiisii aheyd.

Laakiin waxaa jirta sheeko la mid ah Cristiano Ronaldo oo ah xiddiga kooxda Manchester United, gooldhaliyaha ugu fiican taariikhda Real Madrid iyo ciyaaryahanka ugu fiican adduunka 5 jeer, taasoo ku sigtay inuu joojiyo ciyaaraha kubadda cagta ka hor inta uusan xirfadiisa bilaabin.

Sheekada hore ee caanka ah ee ku saabsan Ronaldo ayaa ah isku daygii hooyadii Maria Dolores Aveiro ay isku dayday in ay iska soo tuurto 1984-kii xilli ay uurka ku sidday, taas Ronaldo uu sannadihii dambe ee guulaha isu beddelay kaftan dhex maray isaga iyo hooyadii.

Inkastoo hooyada miskiinta ahey ee faqriga la dhibaatooneysay ay isku dayday inay iska soo xaaqdo, orodo masaafo dheer oo ay cabto cabitaan diiran, Aveiro waa ku guuldareystay.