Daawo: Qaabkii Waalida Ahayd Ee Ay Wiilasha Lionel Messi Ugu Dabaal Dageen Goolkii 2-aad Ee Uu U Dhaliyay Barcelona.

Lionel Messi ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray kulankii ay kooxda Barcelona guusha weyn ka gaadhay kooxda Granada kana tirsanaa horyaalka La Liga.

Messi oo dib u helaya kalsoonidiisii iyo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ayaa kooxdiisa ka caawiyay guul ay u qalmeen kadib laba gool oo uu dhaliyay.

Wiilasha Lionel Messi ayaa dhankooda ka yaabsaday adduunka kadib goolkii 2-aad ee uu dhaliyay Aabohood iyada oo baraha bulshada la isla dhexmarayo qaab waali ah oo ay ugu dabaal dageen goolka uu dhaliyay Messi.

Hadaba Muuqaalkan Hoose Ka Daawo qaabkii ay wiilasha Lionel Messi ugu dabaal dageen goolkii 2-aad ee uu ka dhaliyay Granada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*