Daawo: Qaabkii Uu Raphael Varane U Macasalaameeyay Xiddigaha Real Madrid Ka Hor Ku Biiristiisa Man United.

Xiddiga Raphael Varane ayaa si Rasmi ah shalay u macasalaameeyay Xiddigaha Real Madrid ka hor intii uuna u duulin England si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo Man United.

Man United iyo Real Madrid ayaa ka heshiiyay saxiixa xiddiga iyada oo uu daafacu soo afjarayo 10 sano oo uu joogay kooxda Real Madrid kulana guulaystay koobab aad u badan.

Daafaca ayaa booqday garoonka tabaabrka Real Madrid isaga oo macasalaameeyay xiddigaha, shaqalaha tababarka iyo waliba madaxweynaha kooxda Real Madrid ka hor inta uuna u duulin England.

Varane ayaa la arkay isaga oo laabta galinaya xiddigaha kooxda Real Madrid oo ay ka mid yihiin Marcelona, Modric, Bale iyo xiddigo kale oo kooxda Real Madrid halka uu sidoo kale macasalaameeyay Tabbabare Carlo Ancelotti.

Sii Akhriso: Ninka Quruxda Badan Mise Ninka Aan Quruxda Lahayn? Midkee Ayaa Farxad Dareensiiya Gacalisadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*