Daawo: Qaabkii Uu Jurgen Klopp UgA Fal Celiyay Rikoodhadii Uu Adrian Ka Qabtay Chelsea

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa koobkiisii 2-aad kula guulaystay kooxda Liverpool kadib markii ay Reds kor u qaaday koobka UEFA Super Cup-ka kadib markii ay rikoodhayaal ku garaaceen Liverpool.

Kulanka ayaa ahaa mid cajiib ah oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah inkasta oo laga qaab ciyaareed fiicnaa Liverpool marka dhan loo eego.

Ugu dambayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro 2/2 ah iyada oo ay labada kooxood isla aadeen rikoodhayaal si ay ugu kala baxaan koobka.

Liverpool ayaa dhalisay 5-teedii rikoodhe laakiin Goolhayah Liverpol ee Adrian ayaa Chelsea ka qabtay rikoodhadii ugu dambaysay isaga oo kooxdiisa kula guulaystay koob kulankii ugu horeeyay ee uu ku bilowday.

Kadib markii uu Adrian rikoodhada qabtay ayuu Jurgen Klopp orod isa sii dayay isaga oo Adrian goolka agtiisa laabta ku galiyay.

Advertisements

Halkan Hoose Kaga Daawo Muuqaalka Fal-celiskii uu Jurgen Klopp Sameeyay:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*