Daawo: Qaabkii Uu Fabinho Uga Fal Celiyay Goolkii Mohamed Salah Ee Man City

Xiddiga kooxda Liverpool ee Fabinho ayaa ka farxiyay taageerayaasha Liverpool kadib fal celiskii uu sameeyay kadib goolkii Mohamed Salah ee Man City.

Xiddiga reer Masar ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Liverpool kadib rikoodhe loo dhigay kooxdiisa isaga oo gool u badalay rikoodhadaas.

Xiddiga Fabinho ayaa dhaawac uga maqnaa kooxdiisa waxana uu ka daawanayay ciyaarta gurigiisa laakiin xaaskiisa ayaa muuqaal ka duubtay fal celiska Fabinho kadib rikoodhadii Salah iyada oo soo dhigtay Twitter-ka.

Xiddiga reer Brazil ee Fabinho ayaa ku dhawaaqay “Vamosss!!” kadib markii uu Mohamed Salah Dhaliyay isaga oo sacabiyay.

Halkan Hoose ka daawo muuqaalka Qaabkii Uu Fabinho Uga Fal Celiyay Goolkii Mohamed Salah:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*