DAAWO: Qaabkii Ay Xiddigaha Liverpool Garoonka Tababarka Ugu Dabaal Dageen Ku Guulaysiga Premier League.

Xiddigaha Liverpool ayaa ku soo laabtay tababarka kadib markii ay ku guulaysteen horyaalka Premeier League iyaga oo ku soo laabtay garoonka tababarka Melwood iyaga oo isku diyaarinaya kulanka Man City.

Xiddigaha Liverpool ayaa loo soo bandhigay calamo ay ugu dabaal dagayaan ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan intii ay ku jireen tababarka.

Calamada ayay ku qornaayeen “Champions 2019/2020” Waxana ay xiddigaha kooxdu isku kala qaybiyen 2 iyaga oo labadii qofba haystay calan ay ku qorantahay “Champions 2019/2020”.

Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaa calanka la haystay tababare Jurgen Klopp xilli ay xiddigaha kale iyo qaar ka mid ah shaqaalaha tababarka isla haysteen.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*