Daawo: Qaabkii Ay Xiddigaha Barcelona Ugu Dabaal Dageen Ku Guulaysiga Copa Del Rey-ga.

Kooxda Barcelona ayaa si raaxo leh ugu guulaystay koobka Copa Del Rey-ga iyaga oo garaacay kooxda Athletic Bilbao kulan ay kooxda Barcelona soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.

Goolla ay dhaliyeen xiddigaha Antoine Griezmann, Frankie de Jong iyo Lionel Messi (2) ayaa Barcelona ka caawiyay in ay si fudud ugu guulaysato koobka Copa del Rey-ga xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa markii 31-aad ee taariikhda tartanka ku guulaystay koobka iyaga oo sii dheeraystay rikoodhkooda kooxah ugu guulaysiga badan tartanka.

Kadib dhamaadka ciyaarta xiddigaha kooxda Barcelona ayaa muddo daqiiqado ah ku dhex wareegay garoonka sidoo kale si wada jir ah ugu dabaal dagay ku guulaysiga koobka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa koobkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan ku guulaystay waxana ay haatan darenkeeda u jeedinaysaa u tartamista horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Daawo qaabkii ay u dabaal dageen xiddigaha Barcelona

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Su’aal Oo Cajiib Ah Oo Aad Waydiisid Gabadha Hadii Aad Jeceshahay, Waxyaabo Badan Ayay Kuu Kala Cadaynaysaa, Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*