
Kooxda Arsenal ayaa ku guulaystay FA Cup-ka xilli ciyaareedka 2019/2020 iyaga oo ku badbaadiyay xilli ciyaareedkooda guul soo laabasho lehna ka gaadhay Kooxda ay jaarka yihiin ee Chelsea.
Goolal uu dhaliyay Kabtanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa Arsenal ku hogaamiyay ku guulaysiga FA Cup-ka xilli ciyaareedkan kuna hogaamiyay koobkii 14-aad ee FA Cup-ka.
Kooxda Arsenal ayaa isla markii ay ciyaartu u dabaal dagtay koobka iyada oo uu kabtankoodu kor u qaaday koobkiisii ugu horeeyay ee FA Cup-ka.
Laakiin arinta la yaabka leh ayaa dhacday kadib markii uu koobku ka dhacay Pierre-Emerick Aubameyang taas oo keentay in ay xiddigaha Arsenal madaxa wada qabsadaan.
Halkan Hoose Ka Daawo Wixii dhacay:
Be the first to comment