Daawo: Neymar Oo Ay Oohintu Ka Dhamaatay Kadib Dhaawac Soo Gaadhay Kulankii Serbia.

Xiddiga xulka qaranka Brazil ee Neymar ayaa garoonka ka baxay isaga oo ooyaya kadib dhaawac soo gaadhay kulankii Serbia ee koobka adduunka.

Neymar ayaa ka dhaawacmay kuraanta intii uu socday kulanka oo uu xulka qaranka Brazil guul ka gaadhay ciyaarta.

Xiddiga Neymar ayaa la arkay isaga oo lugta baraf looga xidhay markii uu ciyaarta ka baxay qaybta dambe.

Neymar ayaa la kulmay khalad badan oo ay ku galeen xiddigaha xulka Serbia kuwaas oo si gaar ah u bartilmaameedsanayay isaga.

Xulka Brazil ayaa wadnaha farta ku haya ka hor kulankooda xiga iyaga oo sugu doonaa baadhitaanka lagu samayn doono xiddiga saacadaha soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*