Daawo: Mudaharaadka Ay Sameeyeen Taageerayaasha Kooxda Barcelona Kadib Xaqiijintii Bixitaanka Lionel Messi.

Taageerayaasha Barcelona ayay lama filaan ku noqotay ku dhawaaqistii Barcelona ee bixitaanka Lionel Messi kadib markii ay ku fashilantay kooxdu in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddigooda.

Xalay ayaa la filayay in uu Lionel Messi heshiis cusub qalinka ugu duugo Barcelona isla markaasna lagu dhawaaqo heshiiska laakiin badalkeeda waxa lagu dhawaaqay bixitaanka Lionel Messi ee kooxda.

Kadib markii uu warkaas soo baxay taageerayaasha kooxda Barcelona ayaa isku qaaday xafiiska kooxda Barcelona iyaga oo halkaas ka sameeyay mudadahaard waliba ay ka muuqatay Niyad jabka ay ka qabeen bixitaanka kabtankooda.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in uu Lionel Messi isaga tagi doono kooxda kadib markii ay ku fashilmeen in ay heshiis cusub ka saxiixdaan maadama uu heshiiskiisu dhacay 30 bishii June.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Cuntooyinka Kor U Qaada Rabitaanka Ragga & Dumarka Ee Kulanka Sariirta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*