Daawo: Maaliyada Xiddiga Ku Dhaw Man City Ee Jack Grealish Oo La Gubayo

Taageere ka niyad jabsan ka tagista Jack Grealish ee kooxda Aston Villa ayaa la arkay isaga oo gubaya maaliyada xiddiga ee kooxda Aston Villa xilli uu xiddiga khadka dhexe ku dhaw yahay in uu 100 milyan ugu biiro Man City.

Grealish ayaa ka tagi doona kooxdii yaraantiisa maalmaha soo socda isaga oo haatanba macasalaameyay xidigaha Aston Villa kuna sugan magaalada Manchester si uu u dhamaystiro heshiiskiisa.

Taageerayaal badan ayaa ka soo hor jeestay go’aanka uu uga tagayo kooxda uguna biirayo kooxda Man City xilli ay kooxdu dhistay mashruuc cajiib ah.

Waxa la arkay taageere si weyn uga niyad jabsan bixista Grealish waliba gubaya maaliyada xiddiga ee kooxda isaga oo waliba muuqaal ka soo duubay isaga oo gubaya.

Taageeraha ayaan wada gubin maaliyada laakiin kaliya gubay intii uu ku qornaa magaca xiddigu isaga oo intaas kaliya ka jaray maaliyada inteeda kale caadi ahayd.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka:

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ay Gabadh Walba Ka Raadiso Ninka Ka Hor Guurka, Hadii Aad Sifooyinkan Leedahay Waad Helaysaa Gabadh Nolosha Kula Wadaagta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*