DAAWO: Laba Xiddig Oo Real Madrid Ah Oo Ku Qoslay Ceebtii Soo Gaadhay Kooxdooda Kulankii Copa Del Rey-ga.

Kooxda Real Madrid ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Alcoyano kulan ka tirsanaa Tartanka Copa del Rey-ga iyaga oo ka hadhay tartanka.

Kooxda Alcoyano ayaa 2/1 Ku garaacday Real Madrid inkasta oo ay 10 xiddig ku ciyaareen maadama kaadhka cas looga taagay xiddig kooxda ka tirsan.

Kadib markii ay ciyaartu dhamaatay waxa la arkay laba xiddig oo ka mid ah kooxda Real Madrid kuwaas oo ku qoslayay guuldarada soo gaadhay kooxda.

Labada xiddig ee Isco iyo Marcelo ayaa la arkay iyaga oo ku qoslaya guuldarada soo gaadhay kooxdooda kulanka Alcoyano.

Labada xiddig ayaan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda waxana la siiyay in ay isku muujiyaan kulanka laakiin waxa ayba ku qosleen kooxda kadib guuldaradii soo gaadhay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*