Daawo: Hugo Lloris & Son Heung-Min Oo Dirqi Lagu Kala Qabtay Kulankii Everton.

Goolhayaha Kooxda Tottenham ee Hugo Lloris & xiddiga garabka uga ciyaara Spurs ee Son Heung-Min ayaa dirqi lagu kala qabtay kulankii ay Tottenham guusha ka gaadhay kooxda Everton.

Kadib dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta waxa ay kamerooyinku qabteen Goolhayaha ahna Kabtanka kooxda Hugo Lloris oo ku soo ordaya xididga Son Heung-Min waliba muran kula jira.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Tottenham ee Giovani Lo Celso ayaa kal dhex galay labada xiddig iyada oo dirqi lagu kala hayay iyaga oo doonayay in ay gacan isa saaraan.

Kadib waxa labada xiddig soo kala dhex galay xiddigo badan oo kale oo Tottenham ah iyada oo sidaas lagu aaday qolka Labiska iyada oo la kala qabtay labada xiddig.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*