Daawo: Fal Celiskii Taageerayaasha Chelsea Kadib Markii Ay Ogaadeen In Ay Kooxdoodu Ka Baxday European Super League

LONDON, ENGLAND - APRIL 20: Fans of Chelsea Football Club protest against the European Super League outside Stamford Bridge on April 20, 2021 in London, England. Six English premier league teams have announced they are part of plans for a breakaway European Super League. Arsenal, Manchester United, Manchester City, Liverpool, Chelsea and Tottenham Hotspur will join 12 other European teams in a closed league similar to that of the NFL American Football League. In a statement released last night, the new competition "is intended to commence as soon as practicable" potentially in August. (Photo by Rob Pinney/Getty Images) ORG XMIT: 775646109 ORIG FILE ID: 1313510224

Taageerayaasha chelsea ayaa qaaday talaabo waali ah kadib markii ay wadooyinka ka xidheen baska kooxda ka hor kulanka Brighton ee horyaalka premeir League sabab la xidhiidha Tartanka European Super League.

Tartanka European Super League ayaa ahaa hadal haynta kubada cagta maalmihii ugu dambeeyay kadib markii kooxaha ugu waaweyn ku midoobeen tartanka waliba doonayay in ay ka baxaan champions League.

Taageerayaasha Blues ayaa isugu soo baxay dibada garoonka Stamford Bridge iyaga oo kooxda u diiday in ay galaan garoonka taas oo keentay in ciyaarta dib loo dhigo 15 daqiiqo.

Xilli ay taageerayaashu wali ku jiraan mudaharaadka la isugu soo baxay garoonka Stamford Bridge kooxda chelsea ayaa ku dhawaaqday in ay ka baxayso tartanka European Super League.

Taageerayaasha ayaa si waali ah u daabaal dagay markii ay maqleen in ay kooxdoodu ka baxayso tartanka European Super League waliba noqotay kooxdii ugu horaysay ee premeir League ka baxda tartanka.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka:

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*