DAAWO: Fal Celiskii Ronld Koeman Kadib Goolkii Uu Luis Suarez Ka Dhaliyay Barcelona.

Waxa la helay fal celiskii uu sameeyayTababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman kadib goolkii uu Luis Suarez ka dhaliyay kooxdiisii hore kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Koeman ayaa ahaa tababarihii kooxda ka caydhiyay Suarez iyada oo markii uu yimid kooxda ka diray xiddiga una sheegay in uu koox kale raadsado ka hor inta uuna xidhmin suuqu.

Atletico Madrid ayaa ku faa’iiday suarez waxana uu xilli ciyaareedkii hore ku hogaamiyay kooxda horyaalka La Liga waxana uu sidoo kale u dhaliyay goolal badan oo muhiim u ah kooxda

Koeman ayaa u muuqda mid ka shaleeyay in uu iska fasaxo Suarez kadib markii uu xaalka ku sii xumeeyay kooxdiisa kadib markii uu dhaliyay goolkii 2-aad ee kooxdiisa Atletico Madrid.

Sii Akhriso: Sifooyinka Lagu Garto Dumarka Halista Ah Ee Lacagta Jecel Laakiin Iska Dhigaya Kuwo Ku Jecel, Ninow Ka Fogow Waa Dhiig Miirato

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*