DAAWO: Fal-Celiskii Cristiano Ronaldo Markii Uu Tababare Maurizio Sarri La Hadlay Si Uu Wax Ugu Sheego Intii Ay Socotay Ciyaartii Torino

Xidhiidhka Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronalod iyo tababarihiisa ayaa u muuqda mid maraya halkii ugu xumady wakhtigii ugu dambeeyay sida laga dareemay kulankii Torino ee xalay.

Tababare Maurizio Sarri ayaa isku dayay in uu Cristiano Ronaldo u sheego wax ku saabsan ciyaarta intii ay socotay kulankii ay Juventus guusha ka gaadhay kooxda Torino.

Laakiin Kamerooyinka ayaa qabtay Cristiano Ronaldo oo si yasid ah uga dhaqaaqay tababare Maurizio Sarri isaga oo aan waxba ka dhagaysan.

Markan ayaan ahayn markii ugu horaysya ee ay Ronaldo iyo tababare Maurizio Sarri  kamerooyinku qabtaan iyaga oo murmaya ama muujinaya khilaafka ka dhexeeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*