Daawo: Fal-Celiskii Cristiano Ronaldo Kadib Khaladkii Uu Sameeyay Goolhayaha Portugal, Wadnaha Ayaa Istaagi Gaadhay Naxdin Darteed.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Portugal ee Cristiano Ronaldo ayuu naxdin wadnuhu istaagi gaadhay kadib markii uu Goolhayaha Portugal sameeyay khalad dilaa ah daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyarta.

Portugal ayaa 3/2 ku hogaaminaysay ciyaarta waxana lagu jiray il bidhiyadii ugu dambeeyay ee ciyaarta iyada oo cid walba sugaysay in uu garsooruhu dhameeyo ciyaarta.

Laakiin Goolhayaha Portugal ayaa sameeyay khalad dilaa ah oo lagu ciqaabi gaadhay kadib markii uu kubada dhulka dhigtay isaga oo aan arkayn in uu xiddiga Ghana ah ka dambeeyo.

Kadib markii uu Xulka Portugal ka badbaaday in laga dhaliyo gool laguna ciqaabo khaladka Goolhayaha ayay kamerooyinku qabteen Cristiano Ronaldo kaas oo ay naxdin weyn ka muuqato wajigiisa.

Ronaldo ayaa xitaa gacanta madaxa saaray isaga oo ka naxay khaladka waalida ah ee uu sameeyay Goolhayaha xulkiisu isla markaas sababi gaadhay in laga dhaliyo goolka bar-baraha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*