Daafaca Cusub Ee Konstantinos Tsimikas Oo Haatanba La Bar-Bar Dhigay Andy Robertson.

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Pedro Chirivella ayaa saxiixa cusub ee kooxda Liverpool ee Konstantinos Tsimikas bar-bar dhigay xiddiga Reds haatan daafaca Bidix uga ciyaara ee Andy Robertson.

Kooxda Liverpool ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca Bidxi ee Konstantinos Tsimikas ku dhawaaqday xalay iyaga oo kula soo wareegay lacag dhan 11.75 milyan oo euro.

Pedro Chirivella oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan xasuustaa in aan ku soo wada kornay waliba horumar ku soo samaynay isku qaab waliba amaah ku wada joonay kooxo badan, Tsimikas waxa uu qaaday talaabo muhiim ah”.

“Tsimikas waxa uu leeyahay sifooyinka Robertson oo kale waxa uu jecelyahay in uu weerar qaado waxana uu sidoo kale ku fiican yahay daafaca waxa uu u noqon doonaa saxiix fiican”.

Daafaca 24 jirka ah ee reer Greek ee Konstantinos Tsimikas ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Liverpool ee suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: Dawlada Somaliya Oo Sheegtay In Ay Korodhay Tirada Dadkii Ku Dhintay Dagaalkii Ka Dhacay Xabsiga Dhexe Ee Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*