Daafaca Arsenal ee William Saliba ayaa la barbardhigay daafaca kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk.

Daafaca reer France ayaa Gunners ku soo biiray xagaagii 2019 isaga oo ugu soo biiray lacag dhan 27 milyan oo euro laakiin waxa uu ku fashilmay in uu wax kulan ah u ciyaaro Kooxda 1-aad.

St-Maurice oo ah tababare ka shaqeeya jidh dhiska ayaa William Saliba Bar-bar dhigay Virgil Van Dijk kaas oo ka mid ah daafacyada ugu fiican kubada cagta wakhti xaadirkan.

Isagoo la hadlaya Football London ayaa yidhi”Waa xiddig aad u fiican, waliba si aad ah u shaqeeya, waxa aan wada shaqaynay marar badan anaga oo ka wada shaqaynay waxyaabo badan tusaale ahaan, Orodka, awooda sababta oo ah waa Nin dheer oo xoogan”.

“Markaad aad u yar tahay laakiin aad jir ahaan weyntahay isla markaas xoog weyntahay waliba aanad u orod badnayd sida xiddigaha gaa-gaaban waa in aad si fiican u shaqayso”.

“Markii ugu horreysay ee aan arkay waxaan ka fikiray Van Dijk sababtoo ah waxa ay ka ciyaaraan isku boos”.

Sii Akhriso: 3 Dumar Ah Oo Raggu Neceb Yihiin..Waa Kuwee?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*