
Daafaca kooxda Arsenal ee Gabriel ayaa lagu qasbi doonaa in uu seego 3 kulan sabab la xidhiidha in uu gali doono karantiil xanuunka Korona ah oo ay kooxdu ku dhawaaqday.
Xiddiga reer Brazil ayaa la kulmay qof laga helay xanuunka Korona waxana uu ka maqnaan doonaa kulamada Brighton iyo West Brom waxa uu sidoo kale seegay kulanka chelsea.
Xiddiga Gabriel ayaa haatan laga waayay xanuunka Korona laakiin waxa uu seegay kulanka ay kooxdiisu la ciyaarayso Chelsea halka uu sidoo kale seegi doono labada kulan ee soo socda.
Warkan ayaa ah mid u xun kooxda Arsenal marka loo eego in uu Gabriel muhiim u yahay kooxda Mikel Arteta tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.
Be the first to comment