Daafac Lala Xidhiidhinayo Liverpool Oo Ka Jawaabay Xiisaha Reds

Daafaca kooxda Schalke 04 Malick Thiaw ayaa qirtay inuu ku faraxsanyahay wararka la xidhiidhinaya kooxda liverpool laakiin uu si buuxda diirada u saarayo qaab ciyaareedkiisa kooxda reer Germany.

Jurgen Klopp ayaa wajahaya dhibaato dhanka daafaca ah isaga oo dhaawac ku waayay xiddigaha Virgil van Dijk iyo Joe Gomez kuwaas oo muddo dheer ka maqnaan doona garooma.

Reds ayaa tan iyo markii lala xiriirinayay dhowr daafac dhexe oo ay ka mid yihiin Kalidou Koulibaly iyo Dayot Upamecano – si ay u xalliyaan dhibaatadooda, halka Thiaw sidoo kale la rumeysan yahay inuu diirada u saaran yahay kooxda heysata horyaalka Premier League.

Si kasta ha ahaatee 19 jirka ayaa xaqiijiyay in uu diirada saarayo kooxda Schalke kadib markii uu heshiiska u saxiixay kooxda bishii July.

“Dabcan waad ku farxaysaa marka ay kooxaha waaweyn ku doonayaan laakiin waxa ii cdayd in aan doonayo in aan sii joogo Schalke”.

Sii Akhriso: Qaraxii 2-aad Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho 24 Saac Gudohood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*