Czech Republic Oo Iska Xaadirisay Wareegga 8-da Ee Euro 2020, Holland Ayay Garaaceen

Czech Republic ayaa guul  ay u qalantay waxa ay ka gaareen Holland oo ciyaarta ku dhameysatay 10 ciyaaryahan ka dib kaarka casaanka ee laga siiyay De Light , waxa ayna uga talaabsadeen laab gool oo nadiif ah .

Sheekada labada qeyb : Qeybta hore waxa ay labada qaran Holland iyo Czech Republic soo bandhigeen ciyaar wanaagsan xilli Czech Republic ay ku badnaayeen fursadaha goosha loo turjumi karo

Guud ahaan ciyaarta waxa ay aheyd mid adag waxa ayna Holland qeybta hore ka sheegteen dhameystirka kubadaha ay gaarsiinayeen goosha Czech Republic

Goolhayaha Holland dhowr kubad ayuu u diiday Czech Republic kuwaasi oo sidoo kale si sax aan u soo afjarin kubado goolal xaqiiq ahaa balse guud ahaan waa laga filan karay goolal.

Holland waa ay ku wacnaayeen isku balaarinta garoonka waliba xiddiga Depay si qurux badan ayuu u dhaq dhaqaaqayay inkastoo u muuqdeen in qadka dhexe looga xoogganaa waxaana lagu nastay bar bar dhac bilaa goolal aha .

Soo laabashadii, cadaadis ayay ciyaarta ku bilaabatay , Holland dagaalka qadka dhexe wa looga sareeyay xilli daqiiqadii 55-aad kaarka casaanka laga siiyay Matthijs de Ligt

Czech Republic iyaga ayaa ku sareeyay cadaadiska  xilli Holland ku tiirsanaayen kubadaha rogaal celiska ah balse halis gilin muuqata ma jirrin

Balse is badaldaas ka dib , Czech Republic cadaadis aan kala joogsi laheyn ayay bilaabeen ilaa ay ku keeneen gool daqiiqadii 68-ad waxaana dhaliyay Tomas Holes waxaana Holland sidoo laooga sareeyay kubadaha dhaadheer-ka

Holland go`aaminta ayaa ka maqneyd , dhamaadkii kubadda waa ay gaarsiinayeen goosha Czech Republic waxaana ka go`naa goolka bar bar dhac ,

Si waliba oo ay ahaato , Czech Republic daafac ahaan dhamaadki aad ayay u foojignaayeen halka weerarkana halis ahaayeen illaa ay keeneen gool labaad daqiiqadii 80-aad waxaana saxiixay Schick , waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay laba gool oo Holland tartankaan looga reebay

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*