Cristiano Xanaaqay: Cristaino Ronaldo Oo Qaaday Talaabo Ka Yaabsaday Adduunka & Sababta Oo La Ogaaday.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristaino Ronaldo ayaa isaga oo cadhaysan ka baxay kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Genoa kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A-da.

Wargayska ilbianconero ayaa sheegaya in uu Cristiano Ronaldo ka baxay ciyaarta isaga oo si aad ah u cadhaysan waliba dhulka ku tuuray maaliyada kooxda markii uu aaday qolka Labiska kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Cristiano Ronaldo galay qolka Labiska isla markaasna dhullka ku tuura maaliyada kooxda xilli ay xiddigaha kale ee kooxda isugu hambalyaynayaan guusha ay gaadheen.

Cristiano Ronaldo ayaa ka xanaaqsanaa in uuna wax gool ah dhalin waliba ciyaarta ka baxay iyada oo uu Nasiibku xaasiday inkasta oo uu helay fursado uu goolal ku dhalin karo intii ay ciyaartu socotay.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in ay xiddigaha Juventus la yaabeen fal celiska Cristtiano Ronaldo Marka loo eego in ay kooxdu soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib Ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*