Cristiano Ronaldo: Tan Waa Sababta Aan Ugu Soo Laabtay Kooxdan, Halkan Arin Ayaana Iga Go’an

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in wakhtigii fiicnaa ee daqiiqadihii ugu dambeeyay ee uu ku qaatay Man United kadib goolkii guusha Kulankii Villarreal ee uu u dhaliyay in ay tahay sababta uu ugu soo laabtay kooxda.

Xiddiga reer Portugal ayaa sii waday qaab ciyaareedkiisa cajiib ah kadib markii uu gool dhaliyay daqiiqadii 95-aad kooxdiisana ku hogaamiyay guushii ugu horaysay ee champions League.

Goolkaas ayaa ka badbaadiyay Man United in ay kaliya hal dhibic ka hesho 2-dii kulan ee ugu horeeyay champions league xilli ciyaareedka xilli ciyaareedkan.

Taageerayaasha Old Trafford ayaa si waali ah ugu dabaal dagay goolka iyaga oo xitaa ku heesay magaca xiddiga reer Portugal kadib markii uu goolka guusha dhaliyay.

“Tani waa sababta aan u soo laabtay – aad baan ugu xiisay kooxdan”Ronaldo ayaa u sheegay BT Sport.

“Waxaan taariikh ku leeyahay kooxdan waxaanan doonayaa inaan mar kale sameeyo, aniga kaliya maahan laakiin inaan kooxda riixo,” ayuu raaciyay.

Sii Akhriso: 3 Dumar Ah Oo Raggu Neceb Yihiin..Waa Kuwee?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*