Cristiano Ronaldo Oo Wakiilkiisa Fariin Uga Diray Ku Laabashada Man United.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa wakiilkiisa u sheegay in uu doonao in uu ku laabto Man United xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Xddiga 32 jirka ah ayaa haatan xilli ciyaareedkiisii 3-aad ku qaadanaya kooxda Juventus laakiin waxa la rumaysanyahay in uu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa kadib markii ay kooxdu ka hadhay champions League sidoo kale ku dhawdahay in laga qaado horyaalka Serie A-da.

Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu ka fikirayay ku laabashada Real madrid xagaaga laakiin suurtagalnimadaas ayaa haatan meesha ka baxday maadama ayna kooxda Real Madrid doonayn saxiixiisa.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in uu ROnaldo haatan doonayo ku laabashada kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Ronaldo wakiilkiisa u sheegay in uu ka shaqeeyo ku laabashadiisa Old Trafford dhamaadka xilli ciyaareedkan suuqa xagaaga.

Sii Akhirso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali In Aad 4-tan Su’aal Waydiisid Ninka Kulankiina Ugu Horeeya, Waad Ku Waayi Kartaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*