Cristiano Ronaldo Oo Wadahadalo La Furay Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah Si Uu Uga Caraabo Juventus.

Wararka ka imanaya France ayaa wali riixaya fikirka ah in uu Cristiano Ronaldo doonayo in uu isaga tago kooxda Juventus kuna biiro kooxda PSG.

Markii ugu horaysay warkan ayaa soo if baxay maalmo yar ka hor wargayska Footmercato ayaana xaatan sii xaqiijinaya warkaas.

Wararka ayaa sheegaya in uu Cristiano Ronaldo ka niyad jabsanyahay horumar la’aanta Juventus ee dhanka champions League diyaarna u yahay in uu koox kale ku biiro si uu u tijaabiyo nasiibkiisa.

Wargayska ayaa sheegaya in uu wakiilka xiddiga ee Jorge Mendes la kulmi doono kooxda PSG inta lagu jiro 8 dhamaadka champions League ka dhici doona dalka Portugal si loo dhamaystiro heshiiska.

Xiddiga 35 jirka ah ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 31 gool oo Serie A-da ah laakiin koobkaas ayaan ku filnayn.

Warkan ayaa imanaya maalmo kadib markii juventus laga reebay wareega 8 dhamaadka champions League inkasta oo uu milkiilaha kooxdu xaqiijiyay in uu Ronaldo sii joogi doono kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*