Cristiano Ronaldo Oo Talaabo U Qaaday Ku Biirista Kooxdiisa Cusub, PSG Mise United?

Mustaqbalka Cristiano Ronaldo ayaan kala cadayn ilaa haatan iyada oo xiddiga 36 jirka ah haatan diirada saarayo tartanka Euro 2020.

Waxa jira warar badan oo xan ah kuwaas oo ku saabsan in uu xiddigu ka tagayo kooxda Juventus wararka ayaana sheegaya in uu ku biiri doono kooxda PSG.

Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport, wakiilka Cristiano Ronaldo, Jorge Mendes, ayaa u safri doona magaalada Milano maalmaha soo socda si uu Juventus ugala hadlo mustaqbalka weeraryahanka.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu kooxda PSG Tahay kooxda ugu cad-cad in ay hesho saxiixa xiddiga reer Portugal marka loo bar-bar dhigo kooxda Man United oo dhankooda doonaysa saxiixooda.

Wararka ayaa sheegaya in uu wakiilka Cristiano Ronaldo u safray maagalada France si uu kooxda Kooxda PSG ugala hadlo ku biirista xiddiga ee kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Faa’iidada Ugu Weyn Ee Kulanka Sariirta Oo Daraasad Lagu Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*