Cristiano Ronaldo Oo Taariikh Kale U Sameeyay Xulka Qarankiisa Portugal.

Xiddiga kooxda Man United iyo xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa rikoodh klae u dhigay xulka qarankiisa.

Xulka Portugal ayaa garaacay xulka Qatar kulan ka tirsanaa kulamada is reeb-reebka koobka adduunka qaarada yurub ee koobka adduunka Qatar 2022.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa gool u dhaliyay xulka qarankiisa kulanka oo ay 3/0 ku badiyeen xulka Qatar.

Kadib markii uu ku bilowday shaxda xulka qarankiisa Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddiga kulamada ugu badan u ciyaaray xulka qarankiisa qaarada yurub isaga oo ciyaaray 181 kulan isaga oo dhaafay Sergio Ramos.

Dhanka kale Cristiano Ronaldo Ayaa noqday xiddiga ugu badan ee xulal kala duwan gool ka dhaliyay qaarada yurub isaga oo gool ka dhaliyay 46 xul oo kala duwan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*