Cristiano Ronaldo Oo Taariikh Cajiib Ah Ka Samayn Kara Taariikhda Kubada Cagta.

Cristiano Ronaldo ayaa samayn doona wax aanu xiddig kale oo kubada cagta ah samayn taariikhda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ronaldo ayaa haatan ku guda jira xilli ciyaareedkiisii ​​labaad kooxda Saudi Pro League ee Al Nassr, isagoo si xor ah ugu biiray bishii January ee lasoo dhaafay.

Waxa uu 26 gool ka dhaliyay horyaalka xilli ciyaareedkan kuna jira saddexleydii uu ka dhaliyay kooxda Al-Taee sabtidii.

Ronaldo ayaa haatan hogaaminaya tartanka loogu jiro kabta dahabka ah ee Pro League-ga Sucuudiga, waxaana uu afar gool ka sareeyaa xiddiga Al Hilal ee Aleksandar Mitrovic.

Sida laga soo xigtay barta Twitter-ka ee Twitugal, Ronaldo ayaa noqon kara ciyaaryahankii ugu horreeyay taariikhda kubbadda cagta ee ku guuleysta kabta dahabka ah isaga oo ka ciyaaraya 4 horyaal oo kala duwan kuna jiro horyaalka dalkiisa.

Ronaldo ayaa ku guulaystay gool dhalinta Premier League isaga oo u ciyaaray Man United, Halka uu Real Madrid kula guulaystay horyaalka La Liga halka uu Juventus kula guulaystay gool dhalinta Talyaaniga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga