Cristiano Ronaldo Oo Solskjjaer U Sheegay In Uu Badalo Qaab Ciyaareedka Man United, Sabab.

Cristiano Ronaldo ayaa ka codsaday Ole Gunnar Solskjaer inuu bedelo qaab ciyaareedka Manchester United si uu isagu u soo bandhigo qaab ciyaareed fiican.

Halyeeyga reer Portugal ayaa dhaliyay shan gool shan kulan oo uu saftay tan iyo markii uu ku soo laabtay Old Trafford xagaagii, isagoo dhaliyay gool aad u qurux badan oo Man United ku hogaamiyay guul wakhti dambe ah kulankii Villarreal.

Ronaldo wuxuu ku qanacsan yahay waxqabadkiisa Manchester United ilaa hadda laakiin wuxuu durba u caddeeyay Solskjaer inuu sii kordhin karo saamiga goolasha hadii ay kooxdu si deg-deg ah u ciyaarto.

ESPN ayaa sheegtay in xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or uu doonayo in daafacyada United ay si dhaqso leh kubbadda u gaarsiiyaan weerarka United si uu isagu goolal badan u dhaliyo.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa tababaraha u sheegay in uu xiddigaha kooxda gaar ahaan difaaca ku qasbo in ay si deg-deg ah kubada u gaadhsiiyaan weerarka si uu u dhaliyo goolal ka badan inta uu haatan dhaliyay.

Sii Akhriso: Fariimo Jacay: Gabadheey Ma Doonaysaa In Aad Xoojiso Jacaylka Uu Gacaliyahaagu Kuu Qabo, Fariimahan U Dir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*