Cristiano Ronaldo Oo Si Weyn Ugu Xanaaqsan Juventus & Xiddig Liverpool U Ciyaara Oo Sabab U Ah.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu u xanaaqsan yahay maamulka kooxdiisa Juventus kadib markii ay kooxdu la soo saxiixan wayday xiddig haatan Liverpool u ciyaara.

Cristiano Ronaldo ayaa la sheegayaa in uu maamulka Juventus xagaagii ka codsaday in ay la soo saxiixto xiddiga ay isku dalka yihiin ee Diogo Jota kaas oo haatan u ciyaara kooxda Liverpool.

Jota ayaa markii hore u ciyaarayay kooxda Wolves ka hor intii uuna ku soo biirin Liverpool intii lagu jiray suuqii xagaaga ee la soo dhaafay.

ka hor intii uuna Jota ku biirin Liverpool Cristiano ayaa doonayay in uu xiddiga kula midoobo Juventus waxana uu maamulka kooxdiisa u sheegay in ay la soo saxiixdaan xiddiga 23 jirka ah.

Laakiin sabab la xidhiidha dhaqaale xumo ay kooxdu wajaday Juventus ayaa iska indha tirtay dalabka Cristiano Ronaldo iyaga oo aan u dhaqaaqin saxiixa Jota.

Wargayska Calcio Mercato ayaa haatan sheegaya in uu Cristiano Ronaldo u xanaaqsan yahay maamulka Juventus maadama ayna la soo saxiixan xiddiga ay isku dalka yihiin.

Diogo Jota ayaa haatan wacdaro ka dhigay kooxda Liverpool isaga oo 7 gool u dhaliyay 10 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*