Cristiano Ronaldo Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Laabanaya La Liga.

Xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu ku laabanayo horyaalka La Liga laakiin waxa uu ku biirayaa kooxda Atletico Madrid.

Wargayska AS ayaa sheegaya in uu xiddigu ku wajahanyahay kooxda Atletico Madrid taas oo ka xanaajinaysa taageerayaasha Real Madrid oo uu xiddigu Halyeey ka yahay.

Cristiano Ronaldo oo 37 jir ah ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Man United suuqa xagaagan si uu ugu biiro koox ka ciyaaraysa champions League.

Sida ay sheegayaan wararku, Wakiilada Cristiano Ronaldo ayaa la kulmay tababaraha Atletico Madrid ee Diego Simeone kuna qanciyay in ay u dhaqaaqaan xiddiga.

Cristiano Ronaldo ayaan ilaa haatan ku soo laaban tababarka Man United xilli uu warqada bixitaanka u gudbiyay kooxda Red Devils.

Ronaldo ayaa Halyeey ka ah Real madrid kadib 311 gool oo uu u dhaliyay Los Blancos 292 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Real Madrid.