Cristiano Ronaldo Oo Seegaya In Uu Kulmo Lionel Messi.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayay u badantahay in uu seegi doono kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Barcelona champions League bishan sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Xiddiga reer Portugal ayaa salaasadii laga helay xanuunka Korona isaga oo haatan galay karantiil si uu uga soo kabsado xanuunka.

Wargayska Mirrir ayaa sheegaya in uuna Cristiano Ronaldo lahayn wax calaamado ah laakiin gali doono karantill 14 maalin ah.

Kooxda Juventsu ayaa Turin ku marti galin doonta Barcelona kulan champions League ah oo si weyn loo sugayay 28 bishan haatan lagu jiro.

Xiddiga 35 jirka ah ayaa la xaqiijiyay in uu haatanba seegi doono kulamada Crotone, Dynamo Kiev & Hellas Verona sabab la xidhiidha xanuunka Korona waxana loo baahanyahay in uu xanuunka ka bogsado todobaad ka hor inta aan loo ogolaan in uu ciyaaro kulanka Barcelona.

Sii Akhriso: XASAASI: Ciidamo Ka Soo Goostay Puntland Oo Ku Biiray Ciidamada Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*