Cristiano Ronaldo Oo Rikoodh Waali Ah Ka Dhigay Baraha Bulshada, Mar Jirto Cid Xitaa U Dhaw.

Xiddiga kooxda Man United iyo xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa sii wada in uu rikoodho iyo taariikh ka sameeyo garoonka dhexdiisa iyo dibadiisa.

Cristiano Ronaldo ayaa haatan ku maqan waajibaadka xulka qarankiisa oo uu Portugal kala qayb galayo koobka adduunka Qatar 2022.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqado yar ka hor dhigay rikoodh taariikhi ah oo baraha bulshada ah isla markaas noqday qofkii ugu horeeyay ee sidaas sameeyay.

Xiddiga xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee taariikhda gaadha 500 oo milyan oo Followers ee bogga Instagram.

Sidaas darteed Cristiano Ronaldo ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee gaadha 500 oo milyan oo Followers bogga Instagram Sidaasna ku sameeyay taariikh cajiib ah.